Maamulka Koonfur Galbeed oo Ciidamo u gurmad ah u diray Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur.[Dhagayso]
June 30, 2017 - Written by EditorBakool:-Maamulla Koonfur Galbeed ayaa maanta ciidamo u diray gobolka Bakool si ay gacan u siiyaan Mukhtar Roobow Abu-Mansoor oo ku sugan gobolkaasi. Arrintan ayaa timid kadib markii maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhawaadeen deeggaanada uu Roobow ku sugan yahay. Abu Mansuur ayaa dhowaan laga saaray liiska shaqsiyaad si weyn ay u doonaysay dawladda Maraykanka, ayada oo lacag madaxiisa la dul dhigay dib looga laabtay.
Hoos ka Dhagayso Weriyaha VOA ee Baidoa Mukhtar Catoosh ayaa Caasho Cuud uga warramay arrimahan.
A/cawaale
Halgan.net