Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa maanta 27 June 2017 ka qayb galay xafladda qalin jebinta ardayda dugsiga sare ee Ganbool, [Masawiro]

June 28, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 June 2017 ka qayb galay xafladda qalin jebinta ardayda dugsiga sare ee Ganbool, kuwaas oo ah dufcaddii 15 aad ee ka baxda dugsigaasi. Madaxweynaha ayaa waxaa xafladda ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw yuusuf Ciise iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ardayda iyo macalimiinta dugsiga Ganbool, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa hambal iyo bogaadin u soo jeediyey ardayda qalin jebisey, maamulka iyo macalimiinta dugsiga Ganbool iyo sidoo kale waalidiinta ku soo tabcday ardaydaasi, waxaana uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay waxbarashadu, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ardayda kula dardaarmay inay markasta ku dedaalaan sidii ay aqoon tooda usii kobcin lahaayeen, si ay mustaqbalka dhaw ugu faa’iideyaan aqoonta ay soo barteen dalkooda iyo dadkood, madaama ay yihiin jiilkii berito hogaanka u qaban lahaa dalka.

dhinaca kale Madaxweynaha oo ka hadlaya shaqooyinka iyo mihiimada ay leeyihiin yaa sheegay in shaqo kasta oo qofku qabtaa ay tahay sharaf (shariif) ama wax wanaagsan hanoqoto tan ugu liidata ee laqabto ama tan ugu mustawe saraysa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahadlayey ardayda ayaa sheegay in qorshaha uga degan dawladda Al-shabaab uu yahay mid aan naxariisi ku jiren lana cidhib tirayo dhammaantood, isla markaana la karkarinayo lafahooda, mid midna loo ugaadhsan doono sida duurjoogta, waxaana uu hoosta ka xariiqay madaxweynuhu in ay Al-shabaab yihiin dabayl soconaysa oo dhaafaysa shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo taliinta sare ee Dawladda Puntland Abshir aw. Yuusuf Ciise ayaa dhankiisa ardayda ku boqaadiyey in ay sii wataan waxbarashoododa, isla markaana ay ka midha madhilyaan himiladooda iyo tan waalinkoodaba, waxaana uu sheegay in dugsiga Ganbool uu ka qayb qaatay Gurmadkii abaara taasina ay tahay wax lagu bogaadiyo, sidoo kale wasiirka aya xusay in qofka beeralayda ahi uu ugu farxad badan yahay marka dalagu usoo go’, halka bahda waxbarashaduna ay farxadooda tahay marka ay soo baxaaan arday aqoon leh dhisan oo karti leh.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Illahay uga baryey inuu ku badhitaaro dedaalka ay da’yartani ugu jirto inay ka guul gaadhan meesha ay himiladoodu tahay, waxaana uu marlabaad ugu hanbalyeyey guusha ay gaadheen.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online