Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku baaqay Midnimo Soomaaliyeed.[Daawo]
June 26, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu ubax dhigay Taalada Darjirka Dahsoon, ee magaalada Muqdisho xili manta ay ku beegan tahay 26-ka June 2017 oo ah 57 guuradii ka soo wareegatay, markii Calan Soomaaliyeed laga taagay Gobollada Waqooyi gaar ahaan magaalada Hargeysa. Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hadal u jeediyey boqolaal dadweyne ah waxaa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay midoobaan si ay u gaaran dowladdnimo buuxda isagoona ku nuuxnuuxsaday in midnimada umada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan taas oo muhiim u ah in meelna looga soo wada jeesto dadka cadawga ku ah jiritaanka umada Soomaaliyeed.
Hoos ka Daawo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo
A/cawaale
Halgan.net