Tartanka Qur’aanka ee Gobolka Nugaal oo Lagu dhawaaqay Natiijada Ardaydii Ku guulaysatay Kaalimaha Hore .[Masawiro]
June 5, 2017 - Written by EditorGaroowe:-Tartankaan oo ah mid sanadwalba Bisha Ramadaan loo qabto ardayda Qur’aanka ka barata Garowe ayaa maantay lagu soo afmeeray Masjidka Al-Huda ee Magaalda garowe . Ardayda maantay lagu dhawaaqay in ay u tartami doonaan tartanka qur’aanka ee heer Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalda Garowe uga socda tartan lagu kala reebayo heer kooda aqooneed iyo Sida ay u Xifdisan yihiin Qur’aanka.
Ardaydaan ayaa ku kala tartamayay heerarka kala duwan ee qur’aanka waxaana ay ka kala socdeen 18 dugsi waxayna dhamaayeen ilaa 95 arday waxaana ugu dan bayntii soo baxay Ardaydii Kaalimaha 1aad -2aad-3aad ka galay 30jus/20jus/10jus Iyo 5jus waxaana dhamaan ardaydaani wajiyadooda ka muuqday farxad iyo raynrayn maadaama la gudoon siiyay abaalmarimo kala duwan oo qaali ah.
no images were found
Xafladaan oo ahayd mid balaaran islamarkaana ay kasoo qayb galeen Xubno kasocda wasaarada Cadaalada /Wasaarada Wabarashada / Gudoonka Waxbarashada ee gobolka Nugaal / Madaxda Sare ee Mu’asasada Alminhaaj /Gudigii Tartanka /Culima Awdiin/Odayaal Iyo Waliba Marti sharafkaloo badan. Waxaana Xafladda laga jeedshay khudbado aad muhiim ugu ah ardayda iyo cid walba oo barata Qur’aanka Kariimkaa.
Xafiiska Warbaahinta
Mu’asasada Alminhaaj .