Tartanka Qur’aanka ee Gobollada Puntland oo ka furmay Magaalada Garowe .[Masawiro]
June 17, 2017 - Written by EditorGaroowe:-Tartankaa oo galay sanadkii lixaad Ee heer puntland ah islamarkaana ay kaqayb galayaan dhamaan Dagmooyinka Puntland waxaa sanadkaan kaqayb galaya 16 Degmado Ardaydaan oo ah kuwii ka soo baxay is reeb reebka Degmooyin ayaa ugu danbayn Garowe ku galayaa Tartan ay ku hananayaan Kaalimaha Hore Ee Tartanka. Furitaanka Tartanka Qur’aanka Waxaa Kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada Cadaalada Dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac Gudoomiyaha Tartanka Sh Axmed Yuusuf Daad/ Madaxda sare Ee Mu’asasada Al-minhaaj Gobolka Nugaal Sh Mukhtaar Axmed / Culima Aw Diin Iyo Boqolaal Dadweyna ah oo masjidka Al-Huda Soo Buuxdhaafshay.
no images were found
Waxaa goobta laga soo jeedshay dardaaran Iyo Dhiiri galin ku wajahan ardayda tartamaysa iyo Guud ahaan bulshada waxaana dhamaan mas’uuliyiintii goobta kahadshay ku baaqeen in lajoog teeyo barashada iyo ku camal falka kitaabka Allah .
Nuur Jaamac
Halgan.net