Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS oo kulan wadatashi ah ku qabatay Puntland [Masawiro]
June 14, 2017 - Written by EditorGaroowe:-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi oo ka dhacay Xarunta Cilmibaarista ee Nabadda iyo Horumarinta Puntland u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee deegaanada Puntland, waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin katirsan dawlad goboleedka Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Puntland iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Baarlamaanka Puntland.
no images were found
Qaar kamid ah dadkii ka soo qaybgalay kulanka ayaa su’aallo ku saabsanaa Qorshaha Guud ee Geedi-sicidka dib u eegista Dastuurka weydiiyay Wasiirka, sidoo kale waxa ay aragtiyo muhiim ah la wadaageen Wasaaraadda. Kulankan maanta ka dhacay magaalada Garoowe waxaa xigi doona kulamo ceynkan oo kale ah oo ay Wasaaradda ku qaban doonto caasimadaha dawlad goboleedyada.
—–DHAMAAD—–