Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland oo ka hadlay dagaal ka dhacay deegaanka Af-urur [Dhagayso]
June 8, 2017 - Written by EditorGaroowe:- Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey dagaal saaka aroortii ka dhacay deegaanka Af-urur oo dhexmaray ciidanka dowladda Puntland iyo ururka Al-shabaab kaas oo geystay khasaaro fara badan. Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa beeniyey in ciidanka Puntland laga qabsaday saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Af-urur lagana dilay ciidan gaaraya 61 askari sidda uu sheegay afhayeen u hadlay ururka Al-shabaab.
Taliyaha guud ee ciidanka daraawiishta Puntland Gen. Siciid Dheere iyo saraakiil la soctay ayaa saaka gaaray deegaanka Af-urur oo saaka iyo xalay ay ka dhaceen dagaalo goos goos ah oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaaab. Dhinac kale Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in ay howl galo wadaan ciidanka Puntland kuwaas oo ay ku daba joogaan ciidamadii Al-shabaab ee saaka soo wareeray deegaanka Af-urur.
Hoos ka Dhagayso Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ka hadlay deegaanka Af-urur
[audio: http://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/49193/593936680b01000d6fad13cc/Shir+jaraa%2CidWasiirka+amniga+Punnuntland+Cabdi+Xirsi+Qarjab.mp3]
M_ M_Deeq
Halgan.net