Ciidanka DFS oo Muqdisho ku toogtay Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-Shabaab
August 5, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidammada amniga ee magaalada Muqdisho ayaa toogasho ku dilay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ka dib markii ay koox ka tirsan ay baabuur ku dhex dileen dad aan waxba galabsan sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta DFS Dr. Daahir Maxamuud Geele.
Dr. Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in hayaan cadaymo muujinaya in koxda al shabaab ay ka danbeeyaan dilka magaalada Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Maxamed Maxmuud Sheekh oo ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon magaalada Muqdisho.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidanka ammaanka haatan gacanta ay ku haayaan Gaari ay wateen kooxda Al Shabaab ee dilka geystay iyo hubkii ay wateen.
Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa ku dhex dilay askari ka tirsan DFS Masjid ku yaal magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamar Jajab gaar ahaan masaajid ku yaalla Agagaarka Biyaaso Liibaro.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net