Gudiga Difaaca Puntland Oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay Garoowe(Daawo)
August 19, 2018 - Written by EditorGaroowe:-Gudiga difaaca dowladda Puntland oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland waxaana ay ka hadleen wufuud ka socotay beesha caalamka oo u kala dabqaadayey xiisada ka dhex aloosan Puntland iyo Somaliland.
Wasiiradda wasaaraddaha warfaafinta iyo arrimaha gudaha ee dowladda Puntland oo saxaafada la hadlaya ayaa beeniyey warar sheegaya in wadahadalo in somaliland iyo Puntland u socdaan waxaana arinkaas beeniyey Gudiga Difaaca Puntland .
Dhanka kale Wasiirka aarimaha gudaha Puntlnad Cabdulaahi Cali Timacade ayaa sheegay in dowladda iyo issimada gobolka Puntland ay u sheegeen IGAD iyo QM in nabad ay rabaan balse ay Somaliland ha ku laabato deegaanka Oog ee gobolka Sool.
Xiisada u dhexeysa Somaliand iyo Puntland ayaa wili taagan waxaana Puntland ay ciidamo ku daabuleysaa deegaanka Tuka Raq.
M_M Deeq
Halgan.net