Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliy oo dib ugu laabtay Muqdisho
August 8, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu dhowr cisho uu safar ku joogay dalka Sudan. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa intii uu ku sugnaa dalka Sudan waxaa uu ka qayb galay shirka urur goboleedka IGAD ee lagu qabtay dalka Sudaan.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweyey dalka Sudan waxaan uu la kulmay madax kale duwan oo ka tirsan dowladda Sudan.
Shirkii IGAD ee ka dhacay dalka sudan ayaa waxaa looga hadlay arrimaha nabadgelyo ee dalalka ku bahoobay IGAD iyo weliba heshiiskii dhexmaray dhinacyada colaad ka dhex aloosan tahay ee Koonfurta Sudan
A/cawaale
Halgan.net