Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.[Video]
August 7, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo bandhigay magaalada Muqdisho Sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-shabaab uuna ka soo goostay. Sarkaal kaan ka soo goostay ururka Al-shabaab ayaa magaciisa ku sheegay Abdirahmaan Xuseen Wardheere oo loo yaqaanay Bilaal , Bilaal ayaa waxaan uu xusay in uu urruka Al-shabaab ku biiray 2005-tii uuna noqday Taliyaha gurmadka u qaabilsanaa Al-shabaab uuna ka tirsanaa Al-shabaab mudo dhan 12 sano.
Abdirahmaan Xuseen Wardheere oo loo yaqaanay Bilaal oo ka sheekeeyey sababta uu uga soo goostay Al-shabaab ayuu waxaa uu sheegay in markii ay u cadaatay in ciidanka Al-shabaab ay dadka Soomaaliyeed dilaan xoolahoodana ay dhacaan iyagoona wax maxkamada ah aysan xukumin iyo weliba qaraxii ka dhacay Zoobe oo dad badan oo shacab ah ay lagu dilay uu go’aansaday in uu ka baxo ururka Al-shabaab oo in mudo ah uu ka tirsanaa
Hoos ka Daawo Cabdirahmaan Xuseen Wardheere oo loo yaqaanay Bilaal oo la hadlay saxaafadda dowladda federaalka Soomaaliya
A/cawaale
Halgan.net