Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyey Suldaan Xassan Cali Jibriil.[Masawiro]

September 22, 2018 - Written by Editor

Badhan:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 21 Sep 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Badhane ee xarrunta Gobolka Sanaag Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Aaska qaranka ee loo sameeyey maanta Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa waxaa madaxweynaha Dowladda Puntland ku wehelinayey, Guddoomiyeha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland, isimo iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Badhan.

Alle ha u naxariistee Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa ku geeriyoodey magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, waxaana uu marxuumku kamid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland ee jecel nabadda, ka shaqeynta horumarinta Puntland gaar ahaan gobolka Sanaag oo uu kasoo jeedey marxuumku.

Madaxweyanha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil, isagoona Illaahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo marxuumka.

“Anoo ku hadlaya magaca Dowladda Puntland xukuumad, baarlamaan, xeer dajin iyo shacbiga reer Puntland meel walaba ay joogaanba inaan tacsi u diro qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil, oo maanta ku dhintay degmada hadaaftimo ee gobolka Sanaag, Allaha ha u naxariisto Suldaanka dadkii iyo eheladii u ka dhintayna samir iyo imaan Alle haka siiyo dhamaanteena Alle samir hanaga siiyo, dhamaanteen buu naga wada dhintay, suldaanku qof ehlu khayra oo nabad galyada ka shaqeynayey buu ahaa Alle ha geeyo meeshuu hada ka tagay meel ka fiican anagana dhamaanteen Alle ha nooga daba naxariisto” ayuu yidhi Madaxweynaha Dowladda Puntlnad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sidoo kale waxaa uu Alle uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo marxuumka, camalkiisa inta wanaagsan Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo shacabka Puntland, eheladii, qarabadii iyo qoysaskii uu ka baxay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online