Wasiirka G/dhiga ee DFS oo kormeeray Warshadii hore ee Tolmada dharka Ciidanka Xoogga

September 15, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Maxamed “Amardanbe”oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Daahir Aden Cilmi ayaa Waxay Kormeereen Xaruntii hore ee Warshadii Tolmada dharka Ciidanka Xooggga dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka iska xil saari doonto dhismaha Warshadan,mudada sanadkaan ka harsan la soo gaba gabeyn doono.

Dhismaha Warshadan ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa ka gacansiin doona Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga .

Dhowaan ayay ahayd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga lagu wareejiyay qalabka Warshadan.

SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,795 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>