Guddoonka Baarlamaanka Oo Kala Diray Guddigii Fashiliyay Musuq-maasuqa DFS
November 28, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Warmurtiyeed ka soo baxay Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka dowlada Federaalka Soomaaliya C/weli Muudeey ayaa lagu kala diray Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Golaha ka dib markii uu soo bandhigay musuqmaasuqa wasaarada Maaliyada ee DFS.
Wararka lagu Kalsoonyahay ayaa sheegaya in madaxada DFS ay gadaal ka riixayso kala dirista Guddigan miisaaniyada la xisaabtanka .
Hoos ka Akhriso Warmurtiyeedka lagu Kala diray Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka DFS
no images were found
A/Cawale
Halgan.net