Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Lagu Soo dhoweeyey Qardho.[Masawiro]
November 26, 2018 - Written by EditorQardho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo ka kooban goleyaasha Dowldda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa galabta 26 November 2018 safar shaqo kusoo gaadhay Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa degmada Qardho kusoo dhoweeyey maamulka gobolka karkaar, kan degmada Qardho, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, isimo, waxgarad, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo shacab tiro badan oo ka qayb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa.
Soo dhaweynta kadib Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadlay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Qardho waxaana hadaladiisa kamid ahaa”
“Waxaan mahad ballaadhan u jeedinayaa maamulka iyo shacabka gobolka Karkaar gaar ahaan degmada Qardho soo dhoweyntooda ay marwalba nagu qaabilaan, waan ku faraxsanahay inaan idinku soo booqano Qardho, waxaan halkaan u nimidna inaan daah furno mashaariico horumarineed oo ay Dowladdu halkaan ka hirgalisey, mar labaad waad mahadsan tihiin sal mug leh ayaan isku wareysan doonaa Insha ‘Allaah”, ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalamaha soo socda ku sugnaan doona magaalada Qardho, isla’markaana halkaasi xadhiga kaga jari doonaa mashaariica horumarineed oo uu kamid yahay Hospitalka Qardho.
no images were found
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.