Madaxweynaha JFS Farmaajo iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kulmay
November 8, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu kulan la qaatay Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaana ay ka wada hadleen xaalada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wadaqeynta madaxda DFS.
Kulanka Madaxweynaha DFS iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ka dhacay Villa Somaliya wuxuuna kulanka uu ku soo aaday xili uu Madaxweynihii koonfur galbeed iska casilay tartanka hogaanka Maamulka Koonfur Galbeed.
DFS ayaa soo dhaweysay iscasilaada iyo tanaasulka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed waxayna ku baaqday in la qabto doorashada Maamulka Koonfur galbeed taas oo dhacaysa 17ka Bishan .
A/Cawale
Halgan.net