Gudoomiyihii Ururka ONLF oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Adis ababa
December 1, 2018 - Written by EditorGudoomiyaha ugu sareeya Ururka OLNF, Admiraal Maxamed Cumar Cismaan iyo wafdi balaaran uu Hogaaminayo, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaradaha ee Hilton oo ku yaala magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Gudoomiyaha Ururka ONLF Admiraal Maxamed Cumar Cismaan, ayaa waxaa la socda 20 xubnood oo ka mid ah hogaanka sare ee Ururka ONLF oo heshiis nabad ah la gaaray dalka Itoobiya kaas oo mudo soo socday.
Wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Ururka ONLF waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Madaxweynaha Dowlad degaanka,ku xigeenkiisa,Wasiirka Maaliyadda dowladda Itoobiya iyo xubno kale iyo shacab tiro badan.
Xukuumada Ra’iisul Wasaare Abiye iyo Ururka ONLF, ayaa magaalada Asmara wadahadal ku yeeshay Bishii October ee la soo dhaafay Ururka ONLF waxaa uu mudo ka badan 25 sano uu xarun ku lahaa dalka Eritrea.
A/Cawale
Halgan.net