Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-galay Xuska 75aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska (Masawiro)

December 20, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 75aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu madasha ka jeediyey waxa uu kaga warbixiyey dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib loogu xoojinayo laamaha ammaanka, iyadoona tayo iyo tiro ahaanba la kordhiyey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

“Waxaan dooneynaa in aan qalabayno Ciidankeenna geesiyaasha ah oo aan siinno wax kasta oo ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda, waxaa intaas dheer in aan xaqiijinno xuquuqdooda, haddii ay tahay mushaar, caafimaad iyo xuquuq kale. Geesiyaasha ina ka shahiidana annaga ayay masuuliyad naga saaran tahay nolosha carruurtoodu.”

no images were found

Madaxweynaha oo la dardaarmayey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa yiri: ““Waxaan idinka rabnaa in aad kasbataan shacabka, waxa keliya oo aad ku hanan kartaanna waa caddaaladda. Qofka dulman ee idiin yimaada waa in uu caddaalad idinka helaa, caddaaladduna idinka ayay idinka bilaabataa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa salaan ka qaatay cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo gaardis ku maray garoonka kubadda cagta ee Banaadir oo lagu qabtay munaasabadda xuska sannad guurada 75aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kooxaha baambeyda, isboortiga, baarista dambiyada, ka hortagga qaraxyada, fannaaniinta iyo agoonta Booliiska ayaa dhoolatusyo kala duwan soo bandhigay intii ay munaasabaddu socotay.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaaashi Cabdullaahi, Xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, saraakiisha iyo dhammaan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, diblumaasiyiin ka socday safaaradaha kala duwan ee dalka iyo kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.

—–DHAMMAAD ——

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online