Mu’tamarkii 9aad ee Koonfur Afrika oo caawa ka Furmay magaalada Johannesburg (Masawiro)

December 24, 2018 - Written by Editor

Caawa oo bishu tahay 24/12/2018 waxaa ka furmay magaalada Johannesburg mu’tamarkii Islaamiga ahaa ee sagaalaad ee wadankan Koofur Afrika lagu qaban jiray bishaan oo kale.
Sanadkan Mu’tamarka waxaa lagu martiqaaday culimo gudaha laga martiqaaday iyo qaar dibadda ka yimid waxayna kala yihiin
1. Diktoor Axmed Daahir Awees–UK
2. Sheekh Cabdullahi Cabdi Ibraahim–Capetown, South Africa.
3. Diktoor Axmed Weli Sh. Muxumed–South Africa
4. Sheekh Maxamed Macalim Naxar –Capetown, South Africa.
5. Sheekh Shaakir Cabdullahi Aadam- PE, South Africa.
6. Sheekh Maxamed Aadan Waadi–Kampala, Ugandha.
Mu’tamarka waxaa uu ka socon doonaa labada magaalo ee Johannesburg iyo Pretoria 3 maalmood ka dibna gobolada ayay culimada u gudbi doonaan insha Allah.

Caawa oo ahayd xafladdii furitaanka waxaa lagu qabtay barnaamijka furitaanka mu’tamarka masjidka Imaamu Shaafici ee Johannesburg, waxaana ugu horeentii Qur’aan ku furay Macalim Cabdikariim ka dibna Sheekh  Ali Ibrahim Ali oo ka mid ah mas’uuliyiinta Albayaan ayaa ka warbixiyay mu’tamarkan 9aad iyo culimada ka soo qaybgashay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in laga faa’iidaysto culimada inta uu socdo mu’tamarka. 

Waxaana si raami ah u furay mu’tamrka Diktoor Yuusuf Maxamed Xuseen oo ka mid ah golaha aasaasayaasha ee Majliska Albayaan asagoo ku hadlaayay magaca Sheekh  Hassan Guure oo ah Gudoomiyaha guud ee Golaha Albayaan.

Waxaana gabay Carabi ah oo soo dhawayn iyo dhiirigelinba isugu jiray ku soo dhaweeyay culimada Sheikh Suleiman Hashim oo ka mid ah culimada Koofur Afrika.

Waxaana caawa bilaabatay muxaadaradii koobaad oo uu galay Diktoor Axmed Daahir Awees mu’xaadaradaa oo ka hadlaysay (Ducada Allah)
Mu’tamarka ayaa sanadkan cinwaan looga dhigay aayadda Qur’aanka .                           وَاللَّهُ يَدْعُو إِلَىٰ دَارِ السَّلَامِ وَيَهْدِي مَن يَشَاءُ إِلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ 
Mu’tamarkan oo ah kii sagaalaad ayaa waxaa soo qabanqaabiya sanad walba Majliska Albayaan oo ah gole dacwada ka shaqeeya oo ka dhisan dalka Koofur Afrika golahaa oo maamulo maraakis Islaami ah oo badan dalka oo dhan.

no images were found

Majliska Albayaan,
Johannesburg

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online