Puntland oo DFS iyo Camey ku eedeysay khal-khalgalinta amaanka iyo doorashada Puntland
December 5, 2018 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas)ayaa eedeyn kulul u soo jeediyey madaxada DFS iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland Camey isaga oo ku eedeeyey in ay rabaan in ay khalkhal galiyaan doorashada madaxtinimada Puntland taas oo dhici doonta 8 Jan 2019.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in DFS ay fara-gelin ku hayso doorashooyinka dowlad Puntland halka madaxweyne ku xigeenka Puntland uu fulinaya awaamiir laga soo siiyay xamar si khalkhal loo gasho amaanka iyo doorashada Puntland .
no images were found
Dhanka kale Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu cadeeyey in doorashada Puntland ay dhacayso wakhtigeeda waxaana shacabka loogu baaqay in ay ilaashadaan amnigooda iyo wada jirkooda.
M_M Deeq
Halgan.net