Wasiirkii Howlaha Guud ee DFS C/fataax Ibraahim Geesey oo is casilay
December 16, 2018 - Written by EditorWasiirkii Howlaha Guud ee DFS ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Wasiir ee uu ka hayey xukuumada DFS isagoo ku eedeeyay Xukuumadda inay Faragelin ay ku heyso Maamulka Koonfur galbeed .
Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya C/fataax Ibraahim Geesey oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay xariga Musharax Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.
Wasiirkii Howlaha Guud ee DFS C/fataax Geesey ayaa sheegay in aanu marqaati ka sii ahaan karin dulmiga lagu haayo dadka Soomaaliyeed iyo ku tumashada Dastuurka dalka .
Hoos ka Daawo Shir jaraa’id Wasiirkii Howlaha Guud ee DFS C/fataax Geesey
A/Cawale Halgan.net