Ra’iisul Wasaaraha JFS oo qaabilay madaxa guud ee hey’adda Save the Children

May 26, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa guud ee hey’adda Save the Children, Ms Inger Aishling, oo uu weheliyo madaxa Save the Children Somalia, Mudane Mohamud Mohamed Hassan, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, loona abuuri lahaa fursado wax u taraya ubadkeena.

Kulanka kadib, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Save the Children, waxa ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad oo qayb ka ah dardarin gelinta daryeelka carruurta Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2015 saxiixday axdiga Qaramada Midoobay ee ilaalinta xaquuqda carruurta adduunka, si looga hortago wax walba oo dhibaato u keeni kara carruurta Soomaaliyeed.

—DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
May 2024
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online