Madaxweynaha DFS oo Wareegto ku ansaxiyey Hanaanka Doorashada 2016 (Dhageyso)
May 22, 2016 - Written by EditorMadaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay in uu xeer madaxweyne ku ansixiyey heshiiskii hannaanka ay u dhaceyso doorashada dalka 2016 taas oo ay horey ugu heshiiyeen madaxda DFS iyo kuwa maamul goboleedyada.
Madaxweynaha DFS ayaa saaka Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya wuxuuna sheegay in markii uu qiimeeyey xaaladaha dalka uuna eegay maslaxada shacabka Soomaaliyeed in uu Wareegto ku meel-mariyey hannaanka ay u dhaceyso doorashada dalka 2016 .
Madaxweynuha DFS ayaa qiray in baarlamaanka DFS ay ku adag tahay in heshiiskaas uu ansixiyo, ayna ka dhexmuuqato xildhibaanada DFS kala aragti duwanaansho sidaas awgeedna uu wareegto ku meel mariyey heshiiskii hannaanka ay u dhaceyso doorashada dalka 2016
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in uu dhaqan-galayso wareegtada uu soo saaray maanta, loona baahan yahay in lagu dhaqmo si dalka ay uga dhacdo doorasho xor ah.
Hoos ka Dhageyso Wareegtada Madaxweynaha ku ansaxiyey hannaanka doorashada 2016
Hoos ka Dhageyso Afhayeenka DFS Daa’uud Aways oo Akhrinaya Wareegtada Madaxweynaha DFS ku ansaxiyey Hanaaka Doorashada 2016
A/Cawale
Halgan.net