Ciidanka DFS oo sheegay in ay soo afjareen howl galkii Hotel Ambassador.

June 2, 2016 - Written by Editor

wasiirka-amnigaMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada DFS gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ay soo afjareen howlgaladii ay ka wadeen Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho.

Howlagalada ka socday Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka wada qeyb qaatay Ciidada nabadsugida ee NISA iyo kuwa Gaashaan waxaana ay howlgaladu qaaateen mudo dhan 14 Saacadood.

Weerarka Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 38 qof waxaana ku dhaawacmay 70 kale sida ay xaqiijiyeen xarumaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Taliyaha NISA C/raxmaan Tuur Yare oo tagay Hotelka Ambassador waxaana ay faahfaahin ka bixiyeen sidii uu dhacay weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Hoos ka Daawo Masuuliinta DFS oo warbixinaya weerarkii lagu qaaday Hotelka Ambassador

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online