Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo xilka ka qaaday Taliyihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka[NISA]
June 14, 2016 - Written by EditorMuqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Taliyihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare. Madaxweynaha ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in isbeddel lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.
Isla Xeerkan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa si KMG ah xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) , loogu magacaabay S/Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.
Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waxaa loo magacaabey inuu noqdo La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.
Xeerkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqangalayaa maanta oo taariikhdu ay tahay 14 June 2016.
————————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya