Mu’asassada Minhaaj faraca gobolka Bari oo deeq raashin ah u qaybisay qoysas danyar ah.[Masawiro]
June 17, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Maalinimadii shalay Taariikhduna ku beegnayd 15/06/2016 ayaa Mu’asassada Minhaaj Deeq raashin ah ugu qaybisay gudaha magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari. Qoysaskaan Danyarta ah oo dhammantood laga soo xulay qaar ka mid ah Xaafadaha Magaalada Boosaso ayaa Tiradoodu dhamayd ilaa 35 Qoys oo Danyar ah.
Raashinka La Gudoonsiiyey Qoysaska ayaa kala ahaa Saddex haaf oo kala Duwan ‘ Kartoon Baasto ah ‘ Caagad Saliid ah iyo Timir afar Baakadood ah.
Raashinka ay Mu’asasdu Gudoonsiisay Qoysaska Danyarta ah waxaa uu hordhac u ahaa Mashuuc ay Mu’asasadu Bilowday Horaantii Bisha Barakaysan ee Ramadaan ka Mashruucaas oo loogu magacdaray “AFURI QOYS DANYAR AH ADOO AJAR ALLAH KA RAJAYNAYA”.
Afuri Qoys Danyar ah Waxaa looga Gol lahaa in Lagu farax geliyo Qoysaska Danyarta ah ee ku Sugan Gudaha Magaalada Boosaaso madaama aan ku Jirno Bishii Barakaysnayd ee Ramadaanka.
Mu’asasda Minhaaj Qayta Bari oo Barnaamijkaan Udub Dhexaad u ahayd iskuna xiraysay Muslimiinta maalkooda wax kala baxaya iyo dadka Dan yarta ah ee Loogu Tala galay in la gaarsiiyo Deeqdan Waxaa ay ALLLAH Uga Baryeysaa Dhamman Walaalihii Soomaamana ee Lacagtas Raashinka Dadka Danyarta ah loogu gaday La baxay Ajar iyo Dambi Dhaaf inuu Allah Uga Dhigo Jannatul Firdowsna Ku Abaal Mariyo.
no images were found
Mu’asada minhaaj
Boosaaso, Halgan.net