Tartanka Qur’anka Kariimka ee Garowe oo la soo Afmeeray Islamarkaana lagu bixiyay Abaal marimo .[Masawiro]
June 20, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kasocday Masjidka Al-Huda Garowe Tartanka Qur’aanka Kariimkaa Degmada Garowe ee Caasimada Dowladda Puntland waxaana ku tartamayay inta badan Dugsiyada Qur’aan waxaana ka soo qayb galay Arday gaaraysay 89 Iskugu jira wiilal Iyo Gabdho waxayna ka kala socdeen 16 Dugsi Qur’aan.
Gudigii Qaadayay tartankaan ayaa ka war bixiyay farqiga u dhaxeeya sanaddii hore iyo sanadkaan waxayna cadeeyeen in is badel weyn oo dhanka horumarka ah ay ardaydu qaadeen markii loo eege sanadadii hore .
Xafladaan Qur’aan akhriska Waxaa kasoo Qaybgalay Culima Awdiin Isimada Dhaqanka Mu’asasada Al-minhaaj waaridiin iyo marti sharaf kale oo badan dhamaan mas’uuliyiintii kala duwanayd ee ka hadlay Xafladda ayaa qiray muhiimada ay leedahay Xafladahaan oo kale iyagoo dhanka kalena u mahad celiyay Macalimiintii iyo Ardaydii waqtiga dheer ku soo bixiyay diyaarinta tartankaan.
Sh Mukhtar Axmed Farax oo ku hadlayay Maamulka Mu’sasada Al-minhaaj ayaa ka warbixiyay danta laga leeyahay in sanad walba lagu Tartamo Qur’aanka waxaana uu sheegay in ay tahay Sidii loo heli lahaa dad xifdisan Qur’aanka islamrkaana Dhaqan u yahay Kitaabka Allah .
Ugu Danbayntii Waxaa Lashaaciyay Natiijada Kalimihii ay ardaydu kala galeen waxaana waxaana Ardaygii galay kaalinta 1aad la siiyay abaal marin gaaraysa $200.
no images were found
Nuur Jaamac
Garoowe,Halgan.net