Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo laga sugayo magaalada Baydhabo

June 22, 2016 - Written by Editor

gaas-1Garoowe:-Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu u dhoofo magalada Baydhabo xarunta Gobalka Baay oo uu ka furmi doono shirka madasha wadatashiga Qaran. Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada ka jira dalka Soomaaliya ayaa laga sugayaa magaalada Baydhabo si uu u furmo shirka madasha wadatashiga Qaran oo looga doodi doono hanaanka intee le’eg ayey doorashada 2016 ku yeelan doonaa odayaasha dhaqanka.

Magaalada Bayhabo ayaa maalmo ka hor waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Mudan Jawaari si uu gogol xaar ugu sii sameeyo madaxda Soomaalida oo shirka madasha wadatashiga Qaran uga furmayo magaalada Baydhabo.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa waxaa adkeeyey ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya iyo uwa Maamulka Koonfur Galbeed si ay suura gal u noqoto in shirka madasha wadatashiga Qaran uu uga dhaco si nabadgelyo ah.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa la filayaa in maanta ay ka baxaan wafdi uu hogaaminayo madaxweyaha dowlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas haddii shirka madasha wadatashiga Qaran ee ka furmi lahaa Baydhabo maanta uusan mar kale uu dib u dhac ku imaan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online