Madaxweyne ku xigeenka hore ee Puntland oo beeniyey in uu ku biiray Maamulka S/land (Dhageyso)

January 3, 2017 - Written by Editor

jenGaroowe:-Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dawladda Puntland Jen, Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta la hadlay saxaafada waxaana uu si adag u beeniyey wararka sheegaya in uu ku biiray mid ka mid ah xisbiya ka jira S/land gaar ahaan Xisbiga Wadani .

Madaxweyne ku xigeenka hore ee Puntland Jen Cabdisamad Cali Shire ayaa sheegay in arimo caafimaad uu u tagay dalka Hindiya wuxuuna sheegay in soomaalida aan kala maarmin ayna yihiin xidid iyo Xigaal.
wuxuuna mahad u celiyey dhamaan Maamulka S/land iyo hogaanka xisbiya sida ay ugu soo dhaweeyeen Hargeysa.

Jeneraal Cabdisamad Madaxweyne ku xigeenka hore ee Puntland ayaa sheegay in uu Hargeysa u joogo arimo u gaara isaga wax siyaasad ahana uusan u joogin S/land.

Madaxweyne ku xigeenka hore ee Puntland ayaa mar uu wareysi siiyey Radio Garoowe waxaa uu sheegay in uu dhawaan ku soo laaban doono magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Hoos ka Dhageyso Madaxweyne ku xigeenka hore ee Puntland Jen Cabdisamad Cali Shire oo beeniyey in uu ku biiray S/land.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online