Ururka Al-shabaab oo la wareegay Saldhig ay ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow
January 27, 2017 - Written by EditorKismaayo:-Ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay duulaan qorshaysan ay ku qaadeen saldhiga ay ciidanka dalka Kenya ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubadda Hoose. Ciidanka Al-shabaab ayaa duulaankooda uu ahaa mid qorshaysan waxaan ay Saldhiga ku weerareen markii hore gawaari miinaysan ka dibna waxaa ay weerar toos ah la galeen ciidanka dalka Kenya oo markii danbe ay u eryadeen xadka dalka Kenya iyagoona gaarsiiyey khasaaro baaxad leh.
Weerarka Al-shabaaba ay ku qaadeen Saldhiga ciidanka Kenya uu ku lahaa deegaanka Kulbiyow ayaa waxaa ku dhintay guddoomiyihii degmada Kulbiyow Maxamed Tooxyare Nuux iyo labo askari oo kale oo Soomaali ah.
Sarkaal u hadlay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaalida oo ku suganaa Saldhiga la weeraray oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa u xaqiijiyey in Saldhiga ay qabsadeen Ciidanka Al-shabaab halka ciidanka Kenya ay u baxsadeen Xadka ay Soomaaliya la leeyhiin isagoona xusay in ciidanka Soomaalidu aysan khasaaro badan gaarin.
Ciidanka dalka Kenya ayaa u adeegsaday dagaalka lagu soo qaaday Saldhigooda diyaarado si ay iskaga caabiyaan weerarka Al-shabaab balse arrinkaas ayeysan ku guulaysan, Dadka ku dhawaan deegaanka dagaalku ka dhacay ayaa soo sheegay in dagaalka uu socday mudo kooban lagana awood roonaaday ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaalida ee gacanta siinayey
A/cawaale
Halgan.net