Mid ka mid ah dhalinyaradii kufsiga ka geystay degmada Galdogob oo lagu qabtay Garoowe.[Dhagayso]
January 31, 2017 - Written by EditorGaroowe:-Ciidanka Booliska magaalada Garoowe ayaa ku guulaystay in ay qabtaan Bishaar Cabdisamad Maxamed oo ka mid ahaa dhalinyaradii Kufsi Wadareedka ka geystay Degmada Galdogob ee gobalka Mudug. Ciidanka Booliska Garoowe ayaa waxaa ay xog ay ka helleen Taliska guud ee Booliska magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari iyo masuuliyiinta ka mid maamulka Gobolka Bari waxaan ay u sheegen in danbiile Bishaar Cabdisamad Maxamed uu ku sugan yahay xaafadda 1-da agoosto ee magaalada Garoowe, waxaan ay ciidanku ay qabteen xalay abaarhii 2:00 habeenimo.
Taliyaha Saldhiga Garoowe dhame Maxamuud Muuse Bile ayaa sidoo kale xusay in dambiile Bashiir Cabdisamad Maxamed qabashadiisa uu sahlay ama uu fududeeyey Gudoomiyaha maxakmada Ciidamada qalabka sidda Puntland Farax liif.
Hoos ka Dhagayso Taliyaha Saldhiga Garowe dhame Maxamuud Muuse
[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2017/01/danbiile.mp3]
M_M_Deeq
Halgan.net