Mukhtaar Rooboow oo dowladda Maraykanka ka saartay liiska wax loogu yeero argagixisada.[Dhagayso]
June 24, 2017 - Written by EditorWasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareyknaka ayaa shaley ku dhawaaqdey in ay ka saartey liiska dadka lacagta hore ay u dul-dhigtey kuxigeenkii Alshabab, Muqtaar Roobow Abu Mansoor oo wayadanba si gaar ah u joogay gobolka Bakool.
Shan sano ka hor, bishii June ee 2012 ayaaa la saarey madaxa Abu Mansoor 5 Malyan oo doolarka Mareyka ah. Khuburada ka faaloota Al-shabab iyo arrimaha gobolka ayaa u arka tani in ay tahay, in dowlada Mareykanka aysan hab ciidan oo kaliya ku wajahaynini dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Hoos ka dhagayso Sahra Cabdi Axmed aya warbixin dhinacyo badan ah nooga diyaarisay.
Source: VOA