Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamed Cumar oo xabsi loo taxaabay (Masawiro+Video)
August 27, 2018 - Written by EditorCiidamada amaanka ee dalka Itoobiya ayaa xabsi u taxaabay madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar (Cabdi Iley). Sida ay Baahisay Warbaahinta dalka Itoobiya waxaa saaka la xiray Madaxweynihii DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ka dib Markii shalay ay Xasaanadda ka qaadeen xildhibaanada Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in tilaabo adag laga qaadi doono Cabdi Maxamuud Cumar ka dib markii lagu eedeeyey amar diido iyo gabood fal.
no images were found
Dowlada Itoobiya ayaa in badan ku shaqeysanaysay Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamed Cumar isaga oo tacadiyo badan u geystay shacabka ku dhaqan dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya .
A/Cawale
Halgan.net