Masuul ka tirsan Shirkadda Amal oo lagu dhaawacay magaalada Muqdisho
September 17, 2018 - Written by EditorWararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan ay afaafka hore ee Xafiiska shirkadda Amal ee suuqa Bakaaraha ay ku dhaawaceen C/qaadir Al Waasac oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Amal.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in C/qaadir Al Waasac ay rasaas la dhacday labo dhalinyaro ah xilli uu ka soo baxay xarunta, waxaana loola cararay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho.
Ragga weerarkan geystay oo ahaa laba dhalinyaro ah ayaa looga shakisan yahay in ay yihiin Al-Shabaab ayaa goobta ka baxsaday, Ciidamo ka tirsan DFS ayaa goobta soo gaaray .
Kooxda Al Shabaab ayaa baad ka qaada Shirkadaha ganacsiga iyo meherada magaalada Muqdisho cidii bixin weydana wey dilaan.
A/Cawale
Halgan.net