Mid ka mid shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Somtel oo lagu dilay Muqdisho
September 25, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Magaalada Muqdisho waxaa weli ka sii socda dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo dadka rayidka ah. Waxaa ugu dambeeyay mid ka mid shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Somtel oo maanta rag hubeysan ay ku toogteen suuqa Bakaaraha.
Dowladda Soomaaliyana habac sanaanta amaanka dartiis ayey xilalkii uga qaaday taliyeyaash saldhigyada booliska ee ilaa iyo 7 degmo.
Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warkan Muqdisho ka soo diray
VOA Somalia
Halgan.net