Madaxweynaha Galmudug oo eedeyn kulul u soo jeediyey madaxada DFS
November 12, 2018 - Written by EditorMadaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa DFS ku eedeeyey in dhibaatooyinkii ka socda deegaanada Galmudug in ay soo gadaal ka riixeyso DFS.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in Dilalkii ka dhacay Cadaado, Hobyo, Balanbale iyo Afbarwaaqo ay ahaayeen Ukumihii ay abuurtay dowladda dhexe oo marba mid qarxeysa oo ay bahalo ka soo baxayaaan .
Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in dowlada dhexe iyo Maamulgobaleedyada uu dheeraaday khilaafkooda loona baahan yahay in la xaliyo khilfaaka isaga oo sheegay in ay wili taagan tahay cabashadooda.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta dib ugu soo laabtay Magaalada Dhuusamareeb kadib safar shaqo oo uu mudo isbuuc ah uu ku joogay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ayaa sheegay in labada isbuuc ee soo socota Galmudug wax weyn iska badali doonaan dhanka shaqaalaha ,waxbarashada ,caafimaadka iyo kaabayaasha Dhaqaalaha.
A/Cawale
Halgan.net