Masjid Jaamic ah oo laga dhagax dhigay deegaanka Qarxis ee Gobolka Nugaal.[Masawiro]
November 27, 2018 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maanta la dhagax dhignay Masjidka jaamica ah ee Deegaanka Qarxis ee Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, deegaanka Qarxis oo waxaa ay qiyaas ahaan120km koonfur bari ka xigta magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal.
Masjidka laga dhagax dhigay deegaanka Qarxis ayaa waxaa uu noqon doonaa Masjid Dabaq ah , cabbirkiisuna waxaa uu noqon doonaa 22×18m, howl wadeenada gacanta ku haya masjidka ayaa waxaa ay ku qiimeeyeen lacag gaaraysa $100, 000.
Dhismaha masjidka ayaa waxaa inta badan bixiyey Walaal Muxsin ah, waxaana gudiga masjidka gacanta ku haya dhismihiisa ay u soo jeedinayaan dadweynaha muslimiinta ah ee Soomaaliyeed inay wax ku darsadaanna waxay kala soo xiriiro karaan, 252-0907721119 ama 0907651500, (Culumada iyo Hawl-wadeenada masjidka) Masjid in wax lagu darsado waa Camalada ilaahay agtiisa ugu fadliga badan.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net