Nabadoon Khaliif Aw-Cali oo iska Casilay Guddigii uu madaxweyne ku xigeenka Puntland
December 5, 2018 - Written by EditorGaroowe:-Nabaddoon Khaliif Aw-Cali oo ka mid ah Nabadoonada sida weyn looga yaqaan magaalada Garoowe ayaa galabta iska casilay guddi uu madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdi xakiim Camey uu u magacaabay Gudiga xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Baarlamanka cusub ee Puntland.
Nabadoon Khaliif Aw-Cali ayaa Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada ka shaaciyay in uu iska casilay xilka uu u magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland .
Nabadoon Khaliif Aw-Cali ayaa u mahad celiyey madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuuna sheegay in Madaxweynaha Puntland ay waajib ku tahay in uu la tashto Madaxweyne ku xigeenka Puntland .
Hoos ka Daawo Shirka Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Garoowe Nabaddoon Khaliif Aw-Cali oo ka mid ah Nabadoona Puntland.
Guddiga uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland,Cabdixakiin Camey oo ka koobnaa 8 xubnood ayaa waxaa sidoo kale iska Casilay Axmed Aadan Carab kaas oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe
Hoos ka Daawo Shirka Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Garoowe Axmed Aadan Carab.
M_M Deeq
Halgan.net