Garyaqaanka Guud ee Puntland oo Sharci daro ku tilmaamay Gudigii uu magacaabay Camey
December 7, 2018 - Written by EditorGaroowe:-Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud, ayaa waxa uu ku caddeeyay in Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland uusan awood u lahayn Magacaabista Guddiga Ansixinta Iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiilada cusub ee Puntland 2019-ka.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud oo tixraacaya Dastuurka Puntland ayaa agu sheegay in qodobada 80-aad iyo 81-aad ay kala Cadeynaayaan Awoodaha Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Puntland.
Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa soo afjaraya Khilaafka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud
no images were found
M_M Deeq
Halgan.net