Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka oo ka hor yimid kala diristii guddiga Maaliyadda(Akhriso)
December 8, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hor-yimid kala diridii guddiga Guddigii Maaliyadda iyo La xisaabtanka Hey’addaha DFS uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka uu kala diray.
War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka DFS ayaa lagu sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhameystiro xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019.
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sidoo kale amaray xukuumadda in ay u hoggaansanto shaqada Guddiga Golaha Shacabka ee Maaliyadda iyo La xisaabtanka Hey’addaha DFS isaga oo ugu baaqay gudiga in ay shaqadooda sii wataan.
Hoos ka Akhriso Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan
no images were found