Guddoomiye kuxigeenada 1aad iyo 2aad ka horyimid Mooshinka madaxweyne Farmaajo
December 9, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Shir jaraa’id oo oo ay goordhow ku wada qabteen magaalada Muqdisho guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka iyo 2aad ayaa waxay ku tilmaameen Mooshinka laga Gudbiyey madaxweynaha DFS mid sharci daro ah oo uusan qaban karin Mooshinka Gudoonka golaha Baarlamaanka DFS.
Shir jaraa’id ay qabteen labada Gudoon ee baarlamaanka DFS ayaa ku aaday kulan caawa ay ku yeesheen Villa Soomaaliya xildhibaano taageersan Madaxweyne Farmaajo kuwaasoo u badnaa xildhibaano ku jira golaha wasiirada JFS.
Labada Guddoomiye ku xigeen ee baarlamaanka DFS ayaa ku saleeyey sharci darada Mooshinka laga gudbiyey Madaxweyne Farmaajo maadaama aysan jirin Maxkamadda Dastuuriga ah.
A/Cawale
Halgan.net