Wasaaradda Amniga DFS oo ka hadashay xariga Mukhtaar Roobow(Akhriso)
December 13, 2018 - Written by EditorWar qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee DFS ayaa waxaa looga hadlay Xarigga Muqtaar Roobow Abu Mansuur kaas oo laga qabtay magaalada Baydhabo.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Mukhtar Abu Mansuur Robow, in uu diiday inuu u hoggaansamo shuruudihii lala galay markii uu ka soo goosanayay ururka Al-Shabaab.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Mukhtar Robow uu billaabay inuu gudaha Baydhabo soo geliyo hub iyo dagaallamayaal.Khalkhalna galiyo amniga.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku eedeysay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur in uusan weli ka tanaasulin fikirkiisa xagjirnimada ahaa.
A/Cawale
Halgan.net