Madaxweyne ku xigeenka hore eePLoo mar kale isku soo sharaxay Madaxweyne ku xigeenka Puntland 2019

December 23, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka dowladdaPuntland CabdixakiinCabdulaahi Cumar Camey ayaa saaka si rasmi ah u shaaciyeyin uu isu soo sharaxay Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland 2019.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin C/laahi Cumar Camey ayaa waxaa uu ka hadlay waxqabadkiisa 5-tiisano ee
uu xilka hayey waxaan uu xusay in uu wax weyn ka qabtay nabad gelyadaPuntland isagoo sheegay in uu  ahaahogaamiyihii Puntland ka bad baadiyey weerarkii Al-shabaab ay ku soo qaadeen deegaanada ka tirsan Gobolka Mudug iyo Nugaal.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camey ayaa sheegay in xiliga weerarka lagu soo qaaday Puntland uu ahaa ku simaha Madaxweynaha si wanaagsana uu u maareeyey taas oo uu sabab uga dhigay in ciidamadii Al-shabaab oo gaarayey 800 askari lagu jebiyo dagaalkii ay ku soo qaadeen deegaanada kala ah Garacad , Suuj iyo Garmaal xili ciidamada Daraawiishta Puntland ay ku jireen Gadood  ayuu yiri ‘’ Eng. Camey.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland CabdixakiinCabdulaahi Cumar Camey ayaa waxaa uu qiray in maxaabiistii laga soo qabtay Al-shabaab dagaalkii ka dhacay Suuj ,Garmaal iyo Garacad qaar la sii daayey qaar kalena loo dhoofiyey magaalada Muqdisho halka intii kale ee hartayna lagu xanaaneeyo guri weyn oo ku yaal magaalada Garoowe oo aygacanta ku hayaan hay’addo ka howl gala Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland C/ixakiin C/laahi Cumar Camey ayaa iska fogeeyey eedeymo loo jeediyey oo ah in uu gacan saar la leeyahay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa kale oo uu iska fogeeyey in wax dhaqaalo ah uu sameeyey intii uu xilka Madaxweyne kuxigeenka ka ahaa Puntland 5-tii sano.

Hoos ka Daawo xafladii daahfurka musharax Eng. Camey Madaxweyneku xigeenka Puntland 2019

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online