Puntland oo ka mamnuucday deegaanadeeda inay soo galaan Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka (Akhriso)

December 29, 2018 - Written by Editor

Dawladda Puntland ayaa ka mamnuucday inta doorshadu socota shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya inay Puntland soo galaan sida Wasiirada, Agaasimayaasha ,Saraakiisha ciidanka iyo howl-wadeenada Madaxtooyada DFS .

Waxaa kale oo ay Dawladda Puntland mamnuucday inaan lacago kaash ah la soo galin karin dhammaan garoomada diyaaradaha iyo baraha kale ee kontoroolada laga soo gaol dowlada Puntland.

Kulan ay isigu yimaadeen gudiga nabad galayada Doorashada iyo wasaaradaha Amniga iyo Warbaahinta ayaaa waxaa laga soo saaray 7 qodob oo kala ah .
1 – In cid aan ahayn askari shaqo ku jira aysan hub la dhexmari karin caasimada Puntland ee Garowe mudada doorashadu socoto.
2 – Inta doorashada Puntland ay dhacayso waxaa la mamnuucay inay soo galaan shaqalaha dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Wasiirada, Agaasimayaasha,Saraakiisha Ciidamada iyo howl wadeenada Madaxtoyada Soomaaliya.
3 – Inaan la soo galin karin lacago kaash ah dhammaan garoomada diyaaradaha iyo baraha kale ee kontoroolada laga soo gaol Puntland, lacag kasta oo sharci daro ku soo gashana waa lala wareegayaa
4 – In diyaaradaha imanaya Puntland ay soo gudbiyaan liiska rakaabka ay wadaan ka hor inta aysan ka soo degin garoomada Puntland.
5 – Si loo sugo amaanka xiliga doorashada in la baari doono cid kasta oo soo gasha xaduudaha Puntland
6- Inaan wax agab ciidan oo sharci darro ah lala soo gali karin Puntland.
7- Inaan lagu qaban karin Garowe shirar siyaasadeed oo maamulka gobolka Nugaal uusan ogeyn.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online