Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray Taliska qaybta Booliska Jubbada Hoose.
December 30, 2018 - Written by EditorMadaxweynaha oo kormeerkan ay ku wehelinayeen Wasir ku xigeenka Wasaarada Amniga Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida iyo Masuuliyiin kale waxaa ujeedkiisu uu ahaa u kuur galida dib u habaynta howlaha Ciidanka Booliska ee Taliska qaybta.
Madaxweynaha ayaa ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan Ciidanka Booliska iyadoo ay goob joog ahayeen masuuliyiinta ugu sareeya ee Ciidanka.
no images were found
Madaxweynaha oo qayb ciidanka kamid ah la hadlay ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ee bilowday aysan kaliyah fulinaynin Ciidanka Darawiishta balse loo baahan yahay in meelaha la xoreeyo ay tagaan Ciidanka Booliska qaybahooda kala duwan si shaqooyinka caadiga ah aysan gaabis u galin oo nidaamku si toos ah uga hirgalo meelaha Argagixisada laga xoreeyo.
Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in Amniga Magaalooyinka kale ay xooga saaran si Argagixisadu ayna fursad ugu helin xiliyada howlgalada lagu baacsanayo ay socdaan in ay shacabka dhibaateeyaan wuxuu ku amaanay Wiilasha iyo gabadhaha Ciidamada Booliska dadaalkooda iyo sida hagar la’aanta ah ee ay uga soo dhalaaleen u adeegista Bulshada.
——–DHAMAAD——–