Falaqeynta Filmkii Gudiga Madax banaan uu Faafiyey Qeybta 1aad W/Q Bashiir Max,ed ali
November 3, 2012 - Written byBoosaaso:-Sidaad lawada socoteen waxaa dhawaan la faafiyey warbixin ay soo saareen gudiga barista dilkii Dr Axmed Xaaji C/raxmaan runtiina waxaan dhihi karaa waxay ahayd warbixin aad isugu dheeli tiran oo daaha ka rogtay waxyaabo badan oo umada ka qarsoonaa. Gaar ahaan filimkii documentary-ga ahaa ee ku lifaaqnaa.
Hadaba waxaan is leeyahay warbixintaas waxay xanbaarsanayd duruus muhiima oo uga baahan culumada ,aqoonyahanada iyo qoraayaasha soomaaliyeed faahfaahin dheeraada iyo daraaso si umada looga wacyi galiyo hagardaamooyinka ay umada ku hayso kooxda fulisay dilka sheekha.
Sidaa awgeed waxaan qormadaan kusoo qaadanayaa aadna iisoo jiitay qaybta filimka ugu danbaysa ee gudigu kusoo bandhigay kalmadii sheekhu kaga hadlayey fitanka oo runtii ahayd kalmad aad u qiimo badan oo qof kasta oon sheekha aqoon u lahayn uu ka dheehan karo aqoontii iyo shakhsiyadii Dr Axmed Xaaji C/raxmaan.
Sheekhu wuxuu umada ku baraarujiyey in aad looga digtoonaado wararka aan la hubsan xiliga fitanka waxaanad moodaa inuu iftiiminayey warkii been abuurka ahaa oo kooxdaani u sheegtay dhalintii fulisay dilka.
Maxay ula jeedaan warkaas.
Hadaba kooxdaani waxay ku tababaraan qaybahooda amniyaadka ee qorsheeya dilalka khaarijiska ah sida laga ogaadey cajalado iyo CDyo ay ku duuban yihiin casharaadaas oo la helay in la sameeyo borobagaando leh labo waji mid ku aadan bulsho waynta iyo mid loo sheego cida fulinaysa dilka.
Markaad u fiirsato dilkii sheekha labaadaas qaybood mid waxay u dhiibeen Xasan Takar oo waxay ahayd sheekha PS baa dishay oo xataa waxay wiilasha ku amreen markii hore inay isu ekeysiiyaan ciidanka Puntland oo qaataan qoryo, tuute, iyo baabuur inkastoo ay u suuroobi wayday xasan takarna way ku jirtay hadaladiisa qoryuhu ayadoo dadkii goobjooga ka ahaa goobta dilku ka dhacay ay cadeeyeen inay wateen bastoolado Hadana beentaas way ku kalsoonaan waayeen oo qabiil iyo niman sheekhu kala xukumay ayey ahaayeen baa Xasaan loo dhiibay sheekhuna maba gali jirin arimaha khaaska ah oo labo qof iyo wixii lamida dhex mara xukun ahaan.
Mida labaad waa tii wiilasha lagu qanciyey oo ahayd waxaa sheegay Axmed Kayse waana been abuur aan sal iyo raad toona lahayn waxaana cadaynaya:-
1-cid kasta oo sheekha wariciisii iyo is ilaalintiisii taqaanay way hubtaa in warkaasi been abuur aha .
2-Waxaan ka mid ahaa dadkii sheekha wax ka bartay muda dheerna waan la socday axwaashiisa xataa waxaa dhici jirtay in marka culumadu ku jirto hawlaha caamka ah sida heshiisiinta qabaailka inuu maamulku yiraahdo waxaan culumada ka bixinaynaa kharashka hoteelada sheekhu lacagtiisa intuu iska bixiyo ayuu tan dawladana qoladii loo soo dhiibay siin jiray ayadoon la fahmin
3-Sheekhu mudo dheer ayuu arimaha dacwada u ahaa udub dhexaad mana ku waynayn xataa inuu helo maal aduun xiliyadii ugu fursadaha maalka badnaa ayuu ku noolaa sucuudiga wuxuuna in badan ku kaftami jiray hadalkii Jaaxid ee ahaa ( faqribaa wuxuu yiri waxaa la iga helaa cimaamadaha fuqahada). Wuxuuna afkiisa iiga sheegay in guriga kaliya ee caruurtu Bosaso u dagan tahay uu ku dhisay lacag lagu siiyey baxthi(cilmibaaris) uu sameeyey oo jaaizad lagu siiyey.
4-Xataa dhalintu kuma qancin warkaas wayna ogaayeen inuu been abuur yahay sida ayaguba sheegayaan laakiin sheekha ayagaa isku furtay.
5-Kooxdaan oo aad u neceb culumada ayadoo sababtu tahay cabsi ay ka qabaan in culumadu iftiimiso fakarkooda qaloocan hadayba dhici lahayd inay Axmed kayse ama cid kalaba ay warkaas ka helaan mar hore ayey faafin lahaayeen waxayna u ahaan lahayd fursad dahabi ah.
6-Madaxa kooxdaan iyo afhayeenkeedu midna kama hadal arinta dilka sheekha ayadoo xataa sidaan warka ku helay ay ugu tageen arintaas raga kamida madaxda kooxdaas oo ka dalbaday cadayn waxaanan is leeyahay waxay ka baqeen inay kala kulmaan haday inkiraan mushkiladii ka qabsatey qarixii shaamow.
Ugu danbayn la soco qaybta 2aad ee falanqaynta qodob labaad oo kamida filimka iyo warbixinta