Wafdi ka socday hay’adda WFP iyo hay’adda Mine Action oo gaaray Kismaayo
November 6, 2012 - Written byKismaayo:-Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose wafdi ka socday hay’adda WFP iyo hay’adda Mine Action wafdiga ayaa waxay u guurgali doonaan xaalada magaalada Kismaayo oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada huwanta.
Labadan wafdi ee ka kal socday hay’addaha WFP iyo hay’adda Mine Action ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay saraakiisha ciidanka DFS kuwa Kaambooni iyo saraakiisha AMISOM waxaana ay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa loona dayactiri lahaa Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.
Wafdiga ka socda hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen xarunta Maamulka kan Degmada ee magaalada Kismaayo iyo xaruntii hore ee hay’adda WFP waxayna balan qaadeen in ay dhamaan dayactiri doonaan.
Cabdi Yare
Kismaayo