Maxkamada Darajada 1aad ee Magaalada Boosaaso oo dil ku xukuntay C/samad Dhicis
November 7, 2012 - Written byBoosaaso:-Maxkamada Darajada Koowaad ee magaalada Boosaaso ayaa waxay dil toogasho ah ku xukuntay Gacan ku dhiigle C/samad Xuseen Xaaji Yuusuf (Dhicis) kaasi oo fal dil ah oo aad u naxdin badan kula kacay alaha u naxariistee Marxuum Abaadir Iimaan oo ay in mudo ah wada deganaayeen .
Gacan ku dhiigle C/samad Xuseen Xaaji Yuusuf (Dhicis)ayaa jarjaray qeybo ka mid ah Jirkaa Marxuum Abaadir Iimaan ka dib markii uu khamri ka dhargay sida uu shalay saxaafada u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Saldhiga Minjir Dhame Xaamud Salaad Cismaan.
Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay dhageystay Eedeynta loo haystay Gacan ku dhiigle C/samad Xuseen Xaaji Yuusuf (Dhicis) waxaana intaas ka dib Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Darajada 1aad ee gobolka Bari Bashiir Ismaaciil Hoobaley uu sheegay in C/samad Xuseen Xaaji uu Qirtay Danbiga loo haysto oo ah in uu si xun u dilay Marxuum Abaadir Iimaan .
Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari ayaa ku xukumay dil toogasho Gacan ku dhiigle C/samad Xuseen Xaaji Yuusuf (Dhicis) .
Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa aad u soo dhaweeyey xukunka dilka ah ee lagu xukumay Gacan ku dhiigle C/samad Xuseen Xaaji Yuusuf (Dhicis)
M_M Deeq
Halgan.net