Madaxweynaha dowlladda Puntlland oo ku dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed
November 14, 2012 - Written byMadaxweynaha dowlladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud Faroole ayaa waxaa uu goor dhow ku dhawaaqay Xisbi siyaasadeed uu ugu magac daray Horseed isagoo maanta kulan ay lahaayeen Golah Baar lamaanka Puntlland kaga dhawaaqay , Madaxweynaha dowladda Puntlland ayaa markii uu xisbigiisa siyaasadeed ku dhawaaqay waxaa la socday Golahiisa wasiirada iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire.
Madaxweynaha dowlladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in isagu uu si ku meel gaar ah uu guddoomiye ugu sii ahaan doono Xisbiga Horseed si dhaqso ahna ay u qaban doonaa shir balaaran oo lagu soo dhisi doono Golayaasha Xisbiga uu ka koob naan doono.
Madaxweynaha dowlladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa horay saxaafad ugu sheegay in xukuumadiisu ay bulshada ku dhaqan Puntlland ay u horseedi doonto nidaamka Xisbiyadda kana saari doonto qaab beeleedka markii hore lagu soo aasaasay Puntlland ilaa hadda ma soo shaac bixin Xisbi kale balse waxaa la filayaa in maal maha soo socda lagu dhawaaqo Xisbiyo kale oo ku tartami doona hogaanka sare ee dowlladda Puntlland.
M_M_Deeq
Halgan.net