Ciidanka badda Puntland oo qabtay rag ka tirsan kooxaha burcad badeedka

November 21, 2012 - Written by

Garoowe:-Ciidanka badda ee dowllada Puntland ayaa waxaa ay ku soo qabteen ilaa labo nin oo ah buracadbadeed howl galo ay ka sameeyeen saaka tuulada lagu magacaabo Gabac oo ilaa 50 km  kaga beegan dhinac waqooyi ee Deg mad Eyl. Taliyaha ciidanka Badda dowllada Puntlland Admiral Cabdirsaaq Guuleed Faarax oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka Badda ee Puntlland ay ku guulay steen in ay soo qabtaan 2 nin oo ka mid ah  kooxaha  Burcadbadeedka ah oo ay ciidanku ku raad joogeen.

Taliyaha ciidanka Badda dowllada Puntlland Admiral Cabdirsaaq Guuleed Faarax ayaa waxaa kale oo uu saxaafada u sheegay in ay ciidanku soo qabteen agab ay isticmaalayaan 2-da nin ee la qabtay waxaan ay ciidanku qabteen  labo matoor  iyo  jaran jarada ay burcad badeedku  u adeegsadaan marka ay afduubayaan maraakiibta.

Taliyaha ciidanka Badda dowllada Puntlland Admiral Cabdirsaaq Guuleed Faarax ayaa xusay in ciidanku ay haleen xog ah in niman burcad badeed ah ay ku sugan yihiin  Tuulada Gabac sidaas darteen loo diray ciidanka Badda Puntlland oo raggaan soo qabtay mana jirin wax hub ah oo ay wateen markii la soo qabanayey marka laga reebo agab lagu soo qabtay.

Howl galka ay ciidanka Badda Puntlland ay ku soo qabteen burcadbadeedkaan ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii Usbuucii hore ay ciidanku qabteen dooni sidda Tahriibayaal oo ku sii jeeday dalka Yemen iyagoo dadkii doonta lahaa lagu xiray Xabsiga Boosaaso.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online